Madaxweyne Donald Trump oo London Ku Wajahan, Dibad baxyo Laga Cabsi Qabo

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa isniinta maanta ah u safraya dalka UK waxa uuna halkaas ku qaadanayaa booqasho rasmi ah oo qaadaneyso muddo seddex maalmood ah.

Diyaaradda Air Force One oo ah diyaaradda sida madaxweyne Trump ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay ka degto garoonka diyaaradaha ee magaalada London.

Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in maqribnimada caawa uu Boqorada Ingiriiska kula kulmo Buckingham Palace, waxaana safarkiisa ku wehlinaya marwadiisa koowaad ee Melania Trump.

Sidoo kale waxa uu beri subax kulan quraac ah la qaadanayaa ra’iisul wasaaraha Uk Thresa May oo uu kala hadli wax yaabo badan quseeya heshiiskii fashilmay Brexit.

Madaxweyne ayaa ka qeyb galayo dabaal dega sanad guurada 75 ee D Day.

Dibad baxyo ka dhan ah imaanshiyaha Trump ee London ayaa laga cabsi qabaa inay ka dhacaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Britain sida London, Manchester, Belfast, Birmingham iyo Nottingham.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here