Xukuumada oo Laamaha Amaanka Muqdisho Fartay in ay Adkeeyaan Amaanka

0

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowlada somaliya mahdi maxamed guuleed ayaa xalay shir gudomiyay shirka dardar galinta Amniga Caasimadda oo lagu Qabtay Xarunta Taliska Qaybta Guud ee Gobalka Banaadir.

Waxaana kasoo ka qaybgalay wasaarada amniga, Taliyayaasha ciidanka, gudomiyaha gobolka banasdir iyo xubnaha ku jira gudiga Amniga caasimada ee dhanka amniga kala shaqeeya lamaha amanka.

Kulanka waxaa looga hada xaalada amni ee casimada iyo haowlgalada ciidanka booliska ka sameeyaan magaalada muqdisho.

Ra’iisal wasare ku-xigeenka somaliya mahdi maxamed guuleed oo kulanka shir gudomiyay ayaa mamulka gobolka iyo taliska booliska ku booriyay inay dardar galiyaan amaanka caasimada.

Xiliyada qaar wadooyinka xaafadaha muqdisho waxaa lagu arkayaa ciidanka booliska oo baritaano ka samaynaya koontaroolo guur-guur ah oo ay ku barayaan mootooyinka iyo dadka saaran,madaama ay dabayaaqo tahay bisha ramadaan, shacabka muqdishana ay u diyaar garoobayaan dabaldaga ciidul fidriga.

Kulanka Amniga caasimada oo si isdaba joog ah mudooyinkii ugu danbeeyay ay u yeelanayeen gudiga amniga uu magacaabay ra’iisal wasaare khayre, ayaa kulamadooda iska waraysta hadba halka uu marayo amniga caasimada oo xiliyada qaar ay ka dhacaan weeraro amni lidi ku ah oo ay fuliyaan alshabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here