Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo wareegto kasoo saaray xafiiskiisa ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,isagoona magacaabay gudoomiye Cusub.
Gudoomiyihii hore ee degmada Warsheekh Cumar Maxamed Cumar, ayaa xilka laga qaaday waxaa degmadaas mar kale dib loogu magacaabay Axmed Xuseen Axmed oo loo yaqaano (Shiidka), kaas oo horay u soo noqday Gudoomiyaha degmada.


