Faah-faahin:-Dagaal Xalay Ka Dhacay Duleedka Magaaladda Muqdisho.

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay lagu qaaday Xarunta maamulka deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka, kooxo hubeysnaa ayaa weerar ku bilowday bambooyin waxa ay ku qaadeen xarunta,waxaana halkaas ku dagalamay kooxda hubeysan iyo ilaaladda Ciidamadda Xarunta Garas-Baaley.

Dagaalka Labadda Dhinac ayaa socday muddo saacado ah,waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawac.

Inta la xaqiijiyay labo ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka xalay ka dhacay Xarunta maamulka deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta deegaanka Garas-Baaley ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dagaalka xalay ka dhacay Deegaankaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here