Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dilka Sarkaal ka tirsanaa Shaqaalaha Qaramadda midoobay oo ka howlgayay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Warbaahinta shabaab ayaa baahisay in dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ay xalay gaalkacyo ku dileen Madaxii amniga iyo Nabad gelyada Hay’adaha Qaramadda Midoobay ee howlgala gobolka Mudug waxaana lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Kheyre(Viimto).
Sida Shabaab ay sheegeen, Sarkaalka ladilay ayaa mas’uul ka ahaa amniga dhammaan shaqaalaha UN-ka ee ka howgala degmooyinka iyo deegaannada gobolka Mudug.
Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay dilka mid kamid ahaa shaqaalaheeda.
War saxaafadeed ay soo saartay Qaramada Midoobay ayey ku cambaareysay dilka Maxamed Kheyre oo kamid ahaa shaqaalaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ee fadhigoodu yahay Magaalada Gaalkacyo.

