Golaha ammaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa go’aansaday in 1000 askari laga dhimo ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta u jooga Somalia, iyadoo ay sii kordhayaan weerarada ay dagaalyahanada Al Shabaab ka fulinayaan magaaladda Muqdisho.
Goluhu waxa uu si isku mid ah ugu codeeyey in la dhimo tirada ciidamada Amisom, balse waxa uu albabka u furay in laga laaban karo go’aankan haddii ay rabshaduhu sii kordhaan.
Qaraarkan oo ay soo saartay dowladda Britain ayaa ciidamada Amisom looga dhimayaa 1000 askari si qiyaas ahaan tiradooda looga dhigo 19,626 askari marka la gaaro February 28, dhanka kale qaraarkan waxaa uu kordhinayaa tirada ciidamada police-ka ah ee Amisom oo uu garsiinayo 1,040 askari oo police ah.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha kala guurka ee lagu heshiiyey sanadkii 2017 kaasoo amniga dalka loogu wareejinayo ciidamada qaranka Somalia, balse midowga Africa waxa uu walaac ka muujiyey mas’uuliyadda dheeriga ah ee ay u baahan tahay doorashada Somalia kusoo wajahan sanadka soo socdo.
Qaramada Midoobay waxa ay dooneysaa inay dib u xasiliso Somalia oo ay ka dagaalanto Al Shabab oo xiriir la leh A Qaeda, waxa ayna Al Shabab waxa ay dagaal kula jirtaa dowladda Somalia in ka badan 10 sano.
Ciidamada Amisom ayaa Al Shabab ka saaray magaalada Muqdisho sanadkii 2011 waxa ayna la wareegeen fariisimahoodii, balse wali Al Shabaab waxa ay maamushaa dhulka miyiga ah ee koofurta iyo bartamaha Somalia iyagoo khatar ku ah dowladda Somalia.
Dib u eegista Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay ee bishan ayuu goluhu ku sheegay in ay kordheen weerarada Al Shabaab ee caasimadda, weerarada uu goluhu xusayna waxa kamid ahaa weerarkii hoobiyeyasha ahaa ee 1-dii January lagu qaaday dhisme ay QM ka deganeed xerada Xalane.
Bishii March oo kaliya Al Shabab waxa ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen labo weerar oo waaweyn iyagoo isticmaalayo 28 aaladood oo walxaha qarxa ah aya lagu dib u eegista.

