Kooxo Hubeysnaa oo Dilay Maxamed Cabdi Khayre (Fiimto)

0

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxa ay ku dileen nin la shaqeynayay Hay’adaha Qaramadda Midoobay gaar ahaan kuwa arimaha caafimaadka.

Dilkaan ayaa dhacay salaadii Cishaha kadib,sida goobjoogayaal ay in oo sheegeen.

Sida goobjoogayaasha ay inoo sheegeen Kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay Maxamed Cabdi Khayre (Fiimto) oo mudooyinkii dambe ka shaqeenayay arimaha bulshada gaar ahaan caafimaadka, waxa uuna  la shaqeenayay Hay’add samafal oo ka howlgasha Gaalkacyo.

Kooxaha hubeysnaa ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana goobta laga qaaday meydka Marxuumka.

Ala Ha U Naxariistee Maxamed Cabdi Khayre (Fiimto) ayaa horey usoo noqday wariye ka shaqeenayay idaacada Radio Muqdisho,ka hor inta uusan ku biirin shaqooyinka Arrimaha Caafimaadka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here