Deg:Deg:-Dagaallo iyo weeraro ismiidaamin ah oo kasocda Deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

0

Wararka Saaka oo jimco ah ka imaanaya deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab ay waabarigii saaka ay weerar ku bilowday ismiidaamin ay ku qaadeen Fariisimo ay ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaankaasi,waxaa intaa kadib si toos ah u bilowday dagaal u dhexeeya dhinacyadaasi.

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka culus sida Radio Simba ay u sheegeen Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee gobolka Gedo iyo waliba dadka deegaanka dagaalku uu ka socdo,Ciidanka Al-shabaabna ay wararka qaar waxaa ay sheegayaan in weerarka ismiidaaminta ah markuu dhacay ay gudaha u galeen Xarunta ay weerareen oo sida la sheegay ah Saldhig milatari oo ciidanka Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Waxaana wali aan la ogeyn qasaaraha dagaalkan saaka halkaa ka socda uu geystay wayna adagtahay in la ogaado qasaaraha maadaama ay adagtahay in la helo ilo-wareed sida jirta kuugu waramaya.

Dhainaca Kale Warar ay baahiyeen baraha Internate-ka ee taageera Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Al-shabaab Ciidamo ka tirsan ee Weerarka ku qaaday deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ay hadda la Wareegeen gacan ku haynta Deegaankaasi sida ay iyagu baahiyeen.

Majiro War ka madaxbanaan sheegashada Al-shabaab ee ku aaddan la wareegidda Deegaankaas.

Wixii kasoo kordha dib kala soco insha allah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here