Kooxo Hubeysnaa ayaa goordhaweyd Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen qof rayid oo da’a ahaa.
Dilkaan ayaa ka dhacay meel ku dhaw Masjidka Shuhadaa ee ku yaala qeybta Cabdalla Shideeyaha.
Qof ku sugan suuqa Bakaaraha ayaa idaacadda Simba u sheegay in kooxo bastooladoo ku hubeysnaa ay fuliyeen dilka qofka rayidka ee da’ahaa, islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.
Ilaa hataan lama oga sababta loo dilay qofkaan iyo halka uu ka tirsanaa midna,balse dilkaan ayaa qeyb ka ah dilal maalmihii dambe ka dhacayay magaaladda Muqdisho.

