Ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM ayaa la sheegay in ay ku fashilmaan Dagaalka al-shabaab marka aysan la socon Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Nabadoon C/salaam Maxamed oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo lasoo xiriiray idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Kenya aysan dagaal u joogin gudaha Soomaaliyeed,balse ay guranayso kheyraadka dalka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamadda Dowladda Soomaaliya marka aysan la soconin aysan dagaal la gelin Dagaalyahanada Xarakadda Al-shaabab.
Dhanka kale nabadoonka ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay iska difaacdo duulaanka Kenya,kadib markii mudooyinkii dambe ay qaaday talaabooyin xiriirka labadda dal.

