Faah-faahin:-Wiil Dhalinyaro ahaa oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay magaaladda Muqdisho loogu geystay Wiil dhalinyaro ahaa.

Dilkaan ayaa ka dhacay xalay xili hore Degmadda Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey C/casiis C/laahi Maxamed wuuna Xarun Timaha lagu jaro ku lahaa Degmadda Kaaraan.

Qaar kamid ah eheladiisa ayaa xaqiijiyay in kooxo bastooladoo ku hubeysnaa ay goobtiisa ugu tageyn,islamarkaana ay toogteen sidaasna uu goobta ugu geeriyooday.

Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa ku guuldareystay in ay gacanta ku dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka C/casiis C/laahi Maxamed.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya C/casiis C/laahi Maxamed uu kamid ahaa shaqaalaha Dowladda Hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here