Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax miino oo lala eegtay gaari Cabdile ay la socdeen Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaraxaan ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Jaamacadda Shabelle oo ku dhaw deegaanka Waydow.
Goobjooge ayaa inoo sheegay in qaraxa uu haleelay gaariga ciidamadda, islamarkaana uu khasaare ka dhashay.
Inta la xaqiijiyay Laba askari oo ka tirsan Ciidamadda Militariga ayaa ku dhintay qaraxa,halka askari kale uu dhaawac kasoo gaaray.
Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa qaaday meydadka iyo dhaawaca askarta.
Marar badan qaraxyo dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay deegaanka Waydow ee Duleedka Muqdisho,waxaana inta badan sheegta Al-shabaab.

