Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in La Dilay 14- Al-Shabaab Ka Tirsanaa

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 14-xubnood oo ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab lagu dilay deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Raga la dilay ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Bariire,wuxuuna weerarka ahaa labo Jiho.

General Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka lugta ayaa warbaahinta Dowladda u xaqiijiyey 14 kamid ah meydadka Shabaabkii Bariire soo weeraray halkaas yaalaan.

Dhanka kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen  meydad badan Alshabaab ah oo halkaasi yaala,kadib markii ay isku dayeen in ay soo weeraraan fariisin ay lahaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya ee Bariire.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo loogu hadlaayo sheegashadda Dowladda Soomaaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here