Faah-faahin:-Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaaladda Boosaaso

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax bam oo barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Gobolka Bari xarunteeda magaaladda Boosaaso.

Qaraxa ayaa lagu tuuray gaariga guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ee Maamulka Puntland, Abukar Cabdinuur.

Guddoomiyaha Maxkamadda ee gaarigiisa qaraxa lala beegsaday, Abuukar Cabdinuur ayaan sida la sheegayo gaariga saarneyn wakhtiga qaraxa lala beegsaday.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay 8-ruux, oo uu ku jiro taliyaha ciidanka ilaalada maxkamadda, shaqaale ka tirsan maxkamadda, askar iyo dad shacab ah.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyada qaraxa ka dhacay Magaalada Boosaaso

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here