Maxaa laga Filan karaa Shirka Beesha Caalamku ka maqantahay ee Kismaayo ka furmay.

0

Waa ay yar tayahay shir aysan goob jog ka aheyn wakiilo ka socdo beesha caalamka oo ka dhaca gudaha wadanka soomaaliya iyo dalka dibadiisa intaba
Dad badan waxa ay waqti badan u soo joogeen shirar waqti badan qaatay islamarkaana aan natiijo badan ka dhalan taasoo u sii dheertay dad ka qaar waxa ay qabaan in natiijooyinka ka soo baxa shirarka qaar ay hogaan ka yihiin wakiilada matala beesha caalamka ee ka qeyb gala shirarka soomaaliya quseeyo.

Kismaayo waxaa manta ka furmay shirka madasha wadatashiga qaranka ee loga hadlayo arimaha doorashooyinka lagu wajahayo sanadkaan aynu ku jirno ee 2016 wadanka soomaalia ka dhacaya.

Shirka maanta kismaayo ka furmay gogol xaarkiisu waxa uu ahaa 10 bishan balse dib u dhac badan oo madaxda dalka qaar sabab u yihii arintaa waxa ay keentay in magaalada kismaayo dib ugu laabtaan qaar kamid ah wakiiladi beesha caalamka kaga qeyb geli laha shirkaasi taasoo sii dheertahay waxa madaxda kismaayo ku sugan mar kaliyah ka war heleen in kismaayo uu dib ugu laabay wasiirka arimaha diada ioobiya dr tedroos iyo Masuuliyiin kale.

Shirka oo dad badan natiijada ka soo bixi karto mugdi gelinayaan waxaa taas kaba sii daran madaxda maamul Goboleedyada oo Kismaayo shirar hordhac ah ku yeeshay balse waxyaabo quseeyo arimaha deegaanada ay ka arimiyaan isku afgaran waayay.

Waxaa hadda Kismaayo ku sugan madaxweynayaal kala fikir duwan kuwa isku fikir ah hadana aan meel dheer isku aragti ka aheyn balse kala jiidashada saxiibtino iyo mida maamul u dhawaansho waxa ay suura gal ka dhigtay in saacado badan uu qaato qaabka uu ku furmi karo shirka…

Proff Axmed Xasan C/raxmaan waxa uu kamid yahay aqoonyahanada soomaaliyeed ee sida dhow ula socdo arimaha kismaayo waxa uu rumeysan yahay in caro ay kaqaadeen madaxdi beesha caalamka sabab u noqotay in manta kuraasti ay ku furiisin lahaayeen ay faaruq tahay.

Hadaba shir beesha caaalamka ay ka maqan tahay ama ka carootay ka qeyb galkiisa natiijo nuucee ah ayaa ka soo bixi karto waxaa su’aashaas idaacada Simba markale ay hordhigtay Proff Axmed Xasan C/raxmaan,Waxaana uu sheegay in natiijadaas aan lagu riyooneyn xitaa filitaan iska daaye sida uu yiri.

Shirka kismaayo maanta ka furmay waxa lagu go’aamindoona nuuca doorasho ee ka dhici karto soomaaliya iyadoona maamulada Jubaland iyo Puntland ay qabaan in doorashada lagu saleyo hab deegaaneed hallka madaxda maamulada Galmudug iyo Koonfurgalbeed iyo madaxda dalka xubno ka tirsan qabaan in doorashada lagu jiheeyo nidaamka 4.5 ee Soomaalidu ay wax ku doorato.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here