Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir waxa uu ku dilay wiil ardey ahaa.
Falkaan ayaa ka dhacay isgoyska Daaba-kaayo madow ee Degmadda Wadajir,waxaana wiilka la dilay uu ahaa ardey dhiganayay mid kamid ah Jaamacadaha ku yaala Magaaladda muqdisho.
Goobjooge ku sugnaa halka uu dilka ka dhacay ayaa idaacada simba u sheegay in wiilka la dilay lagu magacaabi jirey C/raxmaan ismaaciil Cali, islamarkaana uu dilay askari ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay askartii goobta ku sugnaa ay diideen in la qaado meydkiisa,islamarkaana Maamulkii Jaamacadii uu dhiganayay ay goobta soo gaareen balse loo diiday.
Ilaa haatan lama oga sababta ka dambeysa dilka askariga u geystay wiilka ardeyga ahaa.

