Farmaajo oo Laga Joojiyay Kulan Ka Dhici Lahaa Magaaladda Garoowe

0

Maamulka Puntland ayaa xalay joojiyay kulan Dadweyne uu Madaxweyne Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo), ku qaban lahaa magaaladda Garoowe, kaasi oo ay ka qeyb gali lahaayeen bulshadda magaaladda.

Kulankaan waxaa soo qaban qaabisay xarunta cilmi-baarista ee Center For Policy Alternatives ee fadhigeedu yahay Magaaladda Garoowe.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa hannaanka  doorashooyinka dalku wajahayo iyo doorka bulshada rayidka ah,waxaana halkaas su’aalo lagu weydiin lahaa Madaxweyne Farmaajo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxtooyadda Soomaliya oo kulankaan soo qaban qaabisay ay doonaysay in lagu soo bandhigo ismuujin siyaasadeed iyo taageerayaal lasoo abaabulay, kuwaasi oo aad ugu sacbiya madaxweynaha si weji-gabax loogu rido Xukuumadda Puntland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here