Ala Ha U Naxariistee waxaa saakay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya ku geeriyooday Ambasador Maxamad Cali Warsame (Kiimiko).
Ambasador Kiimiko wuxuu ahaa diblomaasi, siyaasi iyo aqoonyahan in badan qaranka usoo dhaqeeyay.
Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa aas-aasayaashii Maamulka Galmudug,isagoo sidoo kale soo noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulka Galmudug.
Ambasador Kiimiko waxa uu sidoo kale soo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, la-taliye sare ee Madaxweyne AUN Maxamed Siyaad Barre iyo safiirkii Soomaaliya ee dalka Faransiiska iyo magaalada Washington.
Geeridda Maxamad Cali Warsame (Kiimiko) ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Wasiiro, Xildhibaano iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Deeganadda Maamulka Galmudug.

