Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradaha Dowladda Mareykanka ay shalay galinkii dambe ay ka fuliyeen Saldhig Ciidamadda Daacish ay ku leeyihiin Gobolka Bari.
Duqeyntaan ayaa ka dhacday buuraleyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Duqeynta oo sida la sheegay lala beegsaday xubno ka tirsan Daacish ayaa lagu garaacay buuraha Isha Gaaca iyo Moqor qiyaastii 75km dhanka bari ka xiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Ilaa haatan lama soo sheegin khasaare ka dhashay duqeynta buuraleyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ee Maamulka Puntland.
Duqeynta ayaa ku soo beegmatay iyadoo halkaasi ay maalmihii u dambeeyay hawlgallo xiriir ah ka wadeen ciidanka PSF ee Puntland oo dagaal kula jira Daacish iyo Al-shabaab.

