Akhriso:-Galmudug oo Shaacisay in aan Maanta Ramadaan Aheyn!!

0

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in maanta oo Isniin ah ay tahay maalinta 30-aad ee bisha Shacbaan,islamarkaana Soon aheyn.

Guddiga faafinta go’aanka bisha ramadaan ee wasaarada owqaafta iyo Arimaha diinta Galmudug ayaa xalay sheegay in maanta la dhameys tirayo 30ka bisha shacbaan maadaama la waayay xujo rasmi ah oo tilmaameysa aragtida bisha ramadaan.

Go’aankan ayaa tilmaamaya in maanta aysan deegaanada Galmudug u aheyn maalinta koowaad ee bisha ramadaan, waxaa maanta furnaan doona goobaha laga cunteeyo oo aan ku qasbanaan doonin in ay Xirmaan,sida guddiga uu sheegay.

Go’aanka Maamulka galmudug ayaa imaanaya xili inta badan Gobolada Soomaaliya iyo caalamka ay maanta u tahay maalinta koowaad ee Ramadaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here