Xubno Ka Tirsanaa Al-Shabaab oo Isku Soo Dhiibay Jubbaland+Sawirro

0

Taliska Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka Maamulka Jubbland ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeen labo xubnood oo ka Tirsanaa Xarakadda Shabaab.

Raggaan oo magacyadooda lagu kala sheegay Farxaan Cabdi Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Maxamuud ayaa lagu soo bandhigay degmadda Doolow ee gobolka Gedo.

Qoraal kasoo baxay NISA Jubbland ayaa lagu xaqiijiyay warkaan.

“Degmada Doolow ee Gobolla Gedo waxaa iska soo dhiibay labadan nin oo kamid ahaa Al-Shabaab gaar ahaan qeybtooda Jabhadaha loo yaqaan, waxaa lagu kala magaacaa Farxaan Cabdi Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Maxamuud ragaan iyo laba qori oo A-K47 ah oo ay wateen oo ay la soo goosteen waxaa gacanta ku haya ciidanka Nabad Sugida Jubbaland ee Gobolka Gedo gaar ahaan kuwa ka hawlgala Degmadda Doolow ragan waxaa lagu sameyn doona dhaqan cellin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here