Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay goordhaweyd la wareegeen deegaanka Bariire ay mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Ciidamadda Al-shabaab.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka soomaaliyeed ee SONNA, ciidamadda Dowladda ayaa jab gaarsiiyay Ciidamadda Al-shaabab,waxayna soo dhaweyn ay kala kulmeen shacabka deegaanka.
Deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa mudooyinkii dambe ku sugnaa Ciidamadda Shabaab,waxaana diyaaradaha Mareykanka dhowr jeer oo hore ay duqeeyeen saldhigyo ku yaala deegaankaas.

