Maxamed Nuur ayaa lagu helay dambi ah in uu toogasho ku dilay Ruszczyk Damond oo qaabishay dhanka gaariga uu askarigu ku jiray iyada oo rabta in ay ku wargaliso in ay ka shakiday in guri ay daris yihiin oo Minneapolis ku yaalla uu kufsi ka dhacayo.
Maxamed oo 33 jir ah ayaa toddobaadkii hore qiray in uu rasaasta furay isaga oo ka baqaya in isaga iyo askarigii la shaqaynayay weerar gaadmo ah lagu soo qaaday.
Damond ayaa 40 sano jirtay waxayna ahayd macallimad dhigta jimicsiga yoga loo yaqaanno, waxayna ka soo jeeday magaalada Sydney.
Dilkeeda ayaa cambaarayn caalami ah dhaliyay, Ra’iisulwasaarihii Australia ee wakhtigaasna Malcolm Turnbull wuxuu sheegay in dilkaasi uu yahay “mid aan ka daadagayn”.
Maxamed oo gacamaha ka xiran ayaa xabsi loo taxaabay isla markii ay guurtidu ku heleen dambi heerka saddexaad ah iyo dil aan kas ahayn oo heerka labaad ah, xukunkaasina wuxuu dhacay Talaadadii.
Waxaa lagu waayay dambiyadii halista ahaa ee dilka heerka labaad ah iyo in uu si ula kac ah u dilay.
Guurtida ayaa dhagaysatay in gabadha oo haysatay dhalashada Maraykanka iyo midda Australia in ay dhimatay daqiiqado uun ka dib markii ay la hadashay ninkii ay u doonanayd.

