Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa lagu wadaa in Maanta uu madaxweynuhu ka daahfuro Shirka looga hadlayo arimaha la xariira nuuca doorasho ee lagu wado in dalka ay ka dhacdo Sannadkan 2016.
Madaxweynaha iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay galinkii hore gaaray Magaaladaasi waxaana shirka oo la qorsheynayey inuu shalay furmo uu dib ugu dhacay Maanta ,waxaana Wararka Kismaayo ka imaanaya ay sheegayaan in qorshaha uu maanta yahay inuu furmo shirka madasha wadatashiga qaran ee maalmahaan qorshihiisu uu kasocday Magaalada Kismaayo.
Ammaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyey iyadoona Ciidamo farabadan oo ka tisan Maamulka Jubbaland iyo Kuwa Kenya la geeyey Xaafadaha iyo waddooyinka Soo gala Goobta uu ka socdo Shirkaasi looga hadlaayo Doorashooyinka lagu wado in dalka ay ka dhacaan Sannadkan 2016.
Shirka ayaa waxaa dhawr mar ku yimid dib u dhac kadib markii madaxda sare ee dowladda oo la doonayey in ay shirka furaan aysan tagin magaalada balse waxaa la sheegayaa in maanta ay u badantahay in uu shirku furmo madaxweynuhuna uu daahfuro.
Waa shirkii ugu dambeeyey ee looga hadlaayo arimaha doorashooyinka ee dalka lagu qabanayo iyadoona dhinaca kale shirka ugu dambeeya ee looga hadlaayo gud ahaan arimaha doorashooyinka uu ka furmayo dalka Turkiga,Lamana oga qaabka ay hogaamiyayaasha Soomaalidu ay isugu waafaqayaan qodobo kasoo saaridda Shirka looga hadlaayo arimaha doorashooyinka ee ka furmaya Magaalada Kismaayo.

