Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn jimcihii ay ka fulisay gobolka Bari ee dowladd goboleedka Puntland- Somalia ay ku dishay seddex dagaalyahan oo ka tirsan Daacish.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Africom duqeynta ayaa ka dhacday ceel biyood u dhaxeeyo tuulooyinka cameyra iyo timirshe oo hoos tago degmada Iskushuban ee gobolka Bari.
Africom ayaa sheegtay in duqeyntan aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ah, oo uusan jirin qof shacab ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeyntan, waxaana ay intaas sii raacisay in ay wali socdaan baaritaanada weerarkan.
Mareyka ayaa tilmaamay in duqeyntan ay kahor tag u aheed weeraro ay qorsheeynayeen dagaalyahanada Daacish inay ka fuliyaan gudaha Somalia.
Mareykanku waxa uu sidoo kale sheegay inuu sii wadayo duqeymaha uu la beegsado dagaalyahanada Daacish, islamarkaana ay qeyb ka tahay taageerada uu siinayo dowlada Federal-ka Somalia.

