Ciidamadda Dowladda Somaliya oo Fashiliyay Qarax Baardheere

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Ciidamadda Nabadd Sugidda ay fashiliyeen Miino la dhigay mid kamid ah xaafadaha magaalada.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho u Sheegay in qaraxa la dhigay xaafada Masawa oo dad rayid ah ay degan yihiin.

Waxa uu sheegay in shacabka ay Ciidamadda ku wargaliyeen,islamarkaana markii dambe lagu guuleystay in lasoo saaro.

Ciidanka dowlada Soomaaliya ee ku sugan Degmadda Baardheere ayaa marar badan uga hortagay qaraxyo noocaan oo kale ah oo horay loo dhigay gudaha Magaalada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here