Akhriso:-Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Ka Doodaya Arrimaha Amniga

0

Xildhibaanadda Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xarunta Golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah ka doodista amniga Qaranka, gaar ahaan kan Magaaladda Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska warfaafinta Golaha shacabka ayaa lagu yiri:-

“Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho,ajendaha kulanka ayaa ah ka doodista amniga Qaranka.

6-bishaan April ayaa lagu waday in uu dhaco kulanka arrimaha amaanka Magaaladda muqdisho,wuxuuna u baaqday khilaaf soo kala dhexgalay xildhibaanadda oo isku qabtay in saxaafadda Madaxa Banaan banaanka loo saaro iyo in kale.

amaanka magaaladda Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana la xiray wadooyinka gala xarunta Golaha shacabka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here