Taliska Booliska oo Ka Hadlay in Shaqadii Laga Joojiyay Amiin Ambulance

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa beeniyay in shaqadii ay ka joojiyeen gaadiidka gurmadka deg deg Amiin Ambulance.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliya Zakia Huseen qoraal ay soo dhigtay barteeda bulshadda ayay ku beenisay wararka sheegaya in shaqadii laga joojiyay  Amiin Ambulance.

“Booliska Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in aysan jirin xayiraad la saaray hay’adda gaarka loo leeyahay ee Aamin Ambulance Hay’addan, Booliska iyo Gobolka Banaadir waxay yeesheen kulan lagu lafa guraayo sidii wada shaqeyn dhaw loo yeelan lahaa, waana sii wadi doonnaa dadaallada lagu mideynaayo hawlaha gurmadka waxaan uga mahadcelinaynaa Aamin Ambulance iyo cid walba oo gurmadka deg deg ah ka shaqeyso xilkasnimada iyo dadaalka ay muujiyeen”, ayey tiri Zakia Huseen.

Hadalka Taliska Booliska ayaa imaanaya xili shalay Madaxa Gaadiidka gurmadka deg deg Amiin Ambulance Dr. C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aadam uu sheegay in Taliska Booliska ay ka joojiyeen shaqadii ay ka hayeen Magaaladda Muqdisho.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here