Faah-faahin:-Khasaare Ka Dashay Qarax Galabta Ka Dhacay Holwadaag

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo galabta ka dhacay Agagaarka Masjidka Macalin Biya Maalow oo ku yaala Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda simba u sheegay in qarax uu goobta ku aasnaa,islamarkaana uu qaraxay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in goobta qaraxa la dhigay uu ku yaalo hoteel la yiraaho Salma.

Inta la xaqiijiyay 3-ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxa ka dhacay Degmada  Holwadaag.

Shalay sidaan oo kale ayuu qarax miino ugu dhacay Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir,waxaana ku dhaawacantay 2-ruux.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here