Puntland oo Xabsiga Dhigtay Shaqsiyaad Ku Eedeysan Musuq-maasuq+Dhageyso

0

Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladd goboleedka Puntland xasan Shire Abgaal, ayaa indha-indheyn iyo kormeeer waxa uu ku sameeyey shaqada ka socoto Dekadda magaalada Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland.

Wasiirka ayaa booqashadiisii ugu horeeyey ku tagay dekadda magaalada Bosaso tan iyo markii xilka loo magacaabay dhowr bilood kahor.

Inta uu ku guda jiray kormeerkan, wasiirku waxa uu jeediyey khudbad ballaaran oo dhinacyo badan taabaneysa waxa uuna si weyn uga hadlay Musuq-maasuqa.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dib loo soo celinayo xeerkii ka yaallay Musuqa oo hore u ahaa dil toogasho ah, waxa uuna intaas sii raaciyey in hadda gacanta lagu hayo oo xabsiga la dhigay xubno ka tirsan shaqaalaha wasaaradda maaliyadda ee dowladd goboleedka Puntland.

Wasiirku waxa uu sheegay in xubnahaan musuqa lagu eedeynayo ee gacanta lagu hayo ay ku socoto baaris isla markaana maxkamad lasoo taagayo si ay digniin ugu noqoto qof walbo oo Musuq raadinayo.

Hadalka wasiirkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo aan wax shaqo ah ka socon dekadda Bosaso tan iyo dilkii Paul Fermosa oo ahaa agaasimihii shirkadda DP World u qaabilsanaa habsami u socodka howlaha dekadda magaalada Bosaaso.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here