Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay Sarkaal Xarakadda Al-shabaab u qaabilsan ku xirista Walxaha Qarxa ee gaadiidka si uu waxyeelo u gaysto.
“Howlgalka lagu qabtay sarkaalkaan ayaa dhacay 5-tii bishaan waxana laga sameeeyay mid kamid ah Xaafadaha magaaladda muqdisho,howlgal ay Ciidamada Amnigu fuliyeen shantii bushan Apriil ayaa lagu soo qabtay Hawlwadeen Shaabab,kaas oo ahaa mid Shabaab u qaabilsan ku xirista Walxaha Qarxa ee gaadiidka si uu waxyeelo u gaysto,hawlgalku wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana uu qaatay muddo saacado ah sidii loo qorsheeyay ayuuna udhacay, iyadoo aanu dhicin wax khasaare ah,ciidamada ayaa daba socday xogo sirdoon oo ay ka heleen ilo muhiim u ah taas oo suurta galisay qabashada Sarkaalkaan”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adaha amaanka.
Ciidamadda amanka ayaa maalmihii dambe kordhiyay howlgaladda laga fulinayo Magaaladda muqdisho,waxayna dhowr jeer sheegeen Hay’adaha amaanka in gacanta lagu dhigay saraakiil Shabaab ka tirsanaa.

