Akhriso:-Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Kulan Yeelanaya

0

Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliy ayaa maanta leh kulakoodii 3aad ee Kalfadhiga 5aad, kadib markii uu kooran la’aan u baaqday kulamadii 1-aad iyo 2-aad ee Kalfadhigaan.

Kulankaan ayaa warbixin looga dhagaysan doonaa Guddiga dib u eegista Dastuurka Baarlamaan Soomaaliya.

Sidoo kale ajendaha fadhiga waxaa ku jira, hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddoonka.

Dhanka kale Ajendaha maanta ayaan lagu soo darin ka hadalka xaaladda Amaan ee dalka gaar ahaan tan Magaaladda Muqdisho, oo ay Mooshin ku codsadeen in ka badan 10 Xildhibaan kulan kii kooram la’aanta u baaqaday maalin kahor.

Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lugaha la galay fowdo, iyo  in la isku fahmi waayay ajendayaasha kulamadda Baarlamaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here