Raisulwasaare Kheyre oo Qaabilay Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland+Sawirro

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo oo todobaadkan howlo shaqo u joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa caawa ka qayb galay casho sharaf uu Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre u sameeyey Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland.

Cashada waxaa wehliyey kormeer ay Madaxdu kusoo indha indheeyeen qaybaha kala duwan ee Xafiska Raiisul wasaaraha oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Wasiiru-dowladaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani ayaa sharaxay casho sharafta loo sameeyey Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland iyo kormeerka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here