Cabdi Xaashi:-“Golaha Shacabka Way Diideen in Wada Shaqayn Nala Sameeyaan”,!

0

Guddoonka Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Golaha Shacabka ay diideen in wax wada shaqeyn ah dhexmarto.

Gudoomiyaha Golaha aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi oo khudbad ka jeedinayay furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Golaha aqalka Sare ayaa sheegay in tan iyo markii khilaafka uu soo kala dhexgalay Labadda dhinac ay golaha shacabka bilaabeen in ay hoos dhigaan kaalintooda,islamarkaana aqalka Sare howlo badan laga hor istaagay.

Wuxuu sheegay in xal u helida khilaafkaasi ay wax badan kaga tanaasuleen, balse dhanka golaha shacabka aysan muujin dabacsanaan buuxda si Khilaafka xal looga gaaro.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa beeniyey war uu Reysal Wasaare Kheyre sheegay, oo ahaa in Aqalka Sare loo gudbiyey 29 Hindise Sharciyeed, kuwaas oo kasoo gaaray Golaha Shacabka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in ay Kalfadhigii 4-aad soo gaartay Aqalka Sare 7 Hindise Sharciyeed oo kaliya, 5 ka mid ahna ay ku meel mariyeen Kalfadhigii hore.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here