Gabar u Dhalatay India oo Muqdisho Afduub Loogu Heystay oo La Badbaadiyay

0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in ay soo badbaadiyaan Gabar Hindi ah iyo Saddex carruur ah oo ay dhashay oo afduub loogu heystay meel kamid ah magaallada Muqdisho.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamadda Booliska ayaa sahlay in lasoo badbaadiyo Afreen Begum, oo  ah Gabar 31 jir ah oo Muslimad ah, kana soo jeedda Hyderabad ee Hindiya,waxaana afduub ahaan loo haystay tan iyo July, 2018.

Gabadhan ayaa waxaa heystay qoyska ninka ay ubadka u dhashay oo Soomaali ah, waxaana iyada iyo carruurteedu ay shalay ka duuleen Muqdisho iyagoo ka degay Addis Ababa, halkaas oo maanta ay ka qaadan doonaan duulimaad ku sii jeeda Mumbai Airport.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraaha waddanka Hindiya Narendra Modi ayaa qayb libaax ka qaatay isagoo dadaallo uu muujiyay kula xiriiray safaaradda Hindiya ee Nairobi maadaama Hindiya aysan safaarad ku lahayn Soomaaliya, waxaana sidoo kale howlgalka fuliyay ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sida sharciga Soomaaliga uu dhigayo waalid keligii ah carruur kalama duuli karto garoonka diyaaradaha iyadoo aan ogolaansho laga haysan waalidka labaad ee ubadkaa dhalay.

Laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa misna ku dhegtay gabadha saddexda carruurta wadata maadaama aan ogolaansho laga haysan ninkii carruurtaa aabaha u ahaa illaa mar kale xukuumadda Modi ay Soomaaliya ka dalbatay in gabadhaas waraaqaha loo fududeeyo dalkeedana dib loogu soo celiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here