Howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM ayaa walaac ka muujiyey dhaq-dhaqaaqyada joogtada ah ee ay ciidamada difaaca Kenya oo qeyb ka ah howlgalka Amisom kaga baxayaan saldhigyada ay ku leeyihiin Somalia.
Wargeyska Daily Nation oo kasoo baxo dalka Kenya oo warbixintan qoray ayaa baaritaano uu sameeyey kadib waxa uu sheegay inay jirto kala duwanaasho dhanka howlgallada military-ga oo ah khilaaf adag soo kala dhex gelisay taliyeyaasha ugu sareeya howlgalka AMISOM eek u sugan Mogadishu iyo Saraakiisha ugu sareeyo Military-ga Kenya eek u sugan Nairobi.
Taliyeyaasha ugu sareeyo military-ga Kenya oo kulamo xiriir ah ku qaatay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay inaysan ku faraxsaneen howlgallada AMISOM.
Saraakiil ka kala socdo waddamada qeybta ah howlgalka AMISOM oo ugu sareeyo AMISOM oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in tallabada ay Kenya qaaday aysan aheyn mid fudud waxa ayna ku eedeen Ciidamadda difaaca Kenya inay u dhaqmayaan sida walaal weyn oo kale ayna doonayaan in la siiyo maamuus gaar ah.
Arrinta ayaa sii xumaatay todobaadyo kahor, kadib markii ciidamada difaaca Kenya ay isaga baxeen saldhigyo ay ku lahaayeen gobolka Gedo, waxa ayna madaxda Somalia tallaabadan ku tilmaameen mid saameen ku yeelan karto horumarada dhanka amniga ah ee la gaaray.
Gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo ay ka kooban tahay dowlad goboleedka Jubaland waxaa madaxweyne ka ah Axmed Madoobe, wargeyska Daily Nation ayaana daabacay inuu isbaheysi kala dhaxeeyo Kenya.
Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada difaaca Kenya ay ka biyo diideen ka jawaabista su’aal ay weydiiyeen oo aheed waxa dhaliyey ka bixitaankooda saldhigyada ay ku leeyihiin Somalia.
AMISOM waxa ay wadaa qorshahe ay Ciidamada qaranka Somalia ugu wareejineyso ammaanka dalka kahor 2020-2021 oo la rajeynayo in Somalia ay ka dhacdo qof iyo cod ah, waxaana hadda socdo qorshayaashii ugu dambeeyey ee ay AMISOM kaga baxeyso Somalia oo ay dagaalo sokeeye ka qarxeen bilowgii 1990- (Sagaashameeyada).
Toddobaad kahor, Ciidamada Kenya waxa ay isaga baxeen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Busar oo ay sanado kahor kala wareegeen AL Shabaab.
Deegaanka Buusar waxa ay ka tirsan tahay gobolka Gedo, waxaana gobolkaasi ciidamada difaaca Kenya kusoo gaaray qasaarihii ugu xumaa abid kadib weerar lagu qaaday xero ay ku lahaayeen deegaanka El Adde oo ay ku dhinteen ku dhawaad 200 oo askari.

