Akhriso:-Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo Baaqday

0

Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd xaqiijiyay in uu baaqday Kulankii Labaad Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta oo isniin ah loo balansanaa ayaa baaqday xaqiijin guntin (kooram) awgeed”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddoonka.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa sida uu sheegay Guddoonka labo qodob oo kala ah hadal jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan, 2-Warbixinta guddiga dib u eegista dastuurka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka maanta uu u baaqday khilaaf ka jira ajendaha kulanka oo Xildhibaanadda qaar ay doonayaan in laga dhigo amniga dalka,halka kuwa kale ay doonayaan in laga dhigo arrinta Dastuurka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here