Al-shabaab ayaa caawa baahiyay magaca mid kamid ahaa ragii weeraray 23-kii bishaan dhismaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Degmadda Shanaagi ee Gobolka Banaadir.
Jimcaale Yare ayaa kamid ahaa ragii fuliyay weerarkii lagu qaaday dhismaha wasaaradaha shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Xukuumadda Soomaaliya,sida shabaab ay sheegeen.
Waa dagaalyahan ka dhashay Beesha Ogaadeen gaar ahaan Jufada reer Geeddi Cali.
Inta la xaqiijiyay weerarkii lagu qaaday dhismaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda waxaa ku dhintay 10 ruux oo u badnaa shaqaale dowladeed,waxaana ku jirey Wasiirkii ku-xigeenkii Wasaaradda.

