Wasiirka Arimaha Dibadda Xukuumada Federaalka Soomaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shaqadii ka eryay Agaasimihii xafiiska Arrimaha dibada Cabdulaahi Axmed Dool.
Mudane Dool ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray in ay muhiim tahay in dowladda Federaalka Soomaaliya xiriir la yeelato Israa’iil.
Waxa uu sheegay in xiriir dhaxmara Soomaaliya Israa’iil uusan cidna wax u dhimeynin islamarkaana muhiim tahay xiriir dhaxmara labada dowladood Soomaaliya iyo Israa’iil.
Dhanka kale Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uusan la shaqeyn karin ruux taageero u muujiyay Yahuuda.

