Kooxo hubeysnaa ayaa saakay magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa ay ku dileen Macalin dhigayay dugsi qur’aan
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Buundooyinka ee Degmada Waaberi ee Gobolka banaadir.
Sida ay inooo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka,waxaana macalinka lagu dilay afafka hore Dugsi Qur’aanka uu ku sugnaa.
Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in arintaan ay fajac ku noqotay dadka deegaanka,islamarkaana kooxihi dambeeyay dilka ay goobta ka baxsadeen.
Amniga Mgaaladda muqdisho ayaa faraha ka baxay waxaana maalmihii dambe lagu dilay shaqsiyaad dhowr ah, oo dowladda u shaqeynayay.

