Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay khilaafka ka taagan xiliga ay dhacayso doorashadda Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in doorashadda galmudug ay dhici doonto bisha July ee Sanadkaan.
Waxa uu sheegay in galmudug dhismaheedii hore dhibaato farabadan laga soo maray,islamarkaana Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in la xaliyo khilaafkii u dhaxeeyay Maamulkii Galmudug ee ku sugnaa Cadaado iyo Ahlusuna oo gacanta ku heysay Magaaladda dhuusamareeb.
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kusoo aadaya xili haatan uu jiro khilaaf ka dhashay xiliga ay dhacayso doorashadda galmudug.
Maamulka Galmudug ee Dhuusa-mareeb ku shaqeeya ayaa sheegay in doorashadda Galmudug ay dhici doonto marka la gaaro Sanadka 2021-ka oo waqtigooda uu ku egyahay,halka maamulka Cadaado uu sheegay in doorashada ay dhici doonto bisha July ee Sanadkaan.

