Xarakadda Al-shaabab ayaa soo bandhigtay qalab ay lahaayeen Ciidamadda Mareykanka iyo Kuwa Danab ee xalay weerarka ku qaaday Deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Warbaahinta Shabaab ayaa soo bandhigtay agabyo millatari oo ay kamid yihiin Bambaanooyin, rasaas iyo wax yaabo kale oo ay ka carareen, waxaana inta dheer agabyo caafimaad iyo lacago dolar ah.
Shabaab waxa ay sheegeen in Ciidamadda Mareykanka iyo kuwa Danab ay ku sigteen in nolosha lagu qabto,islamarkaana Mareykanka laga dilay sarkaal sare.
Weerarkii xalay markuu dhamaaday Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeeyay guryo ku yaala deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhanka kale Taliska Mareykanka ee qaaradda AFRIKOM oo qoraal caawa soo saaray ayaa sheegay in askari aan loogu dilin dagaaalka Daaru-salaam.



















