Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalkii xalay ka dhacay Deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Qoraal kasoo baxay Dowladdda oo lagu baahiyay warbaahintooda ayaa lagu sheegay in weerarkii ka dhacay Daaru-salaam lagu dilay 8-dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab.
“Hawlgal qorshaysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen Habeennimadii Xalay, kana dhacay degaanka Daaru-salaam ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu dilay 8 ka tirsan Al-Shabaab,degaanka Daaru-salaam ayaa Al-Shabaab u ahayd muhiim, halkaas oo ay ku diyaarinjireen Qaraxyo, waxanay sidoo kale u ahayd Il dhaqaale oo ay ku uruursan jireen Lacagaha baadda ah ee ay ka dhacaan Shacabka.
Ciidamada amnigu Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay muwaadiniinta wanaagsan ee ka Gacan siiyay dagaalka ay kula jiraan cadawga, waxana sheegeen in ay ugu tagayaan Shabaab goobahooda kana qaadayaan tallaabada ku habboon.
Majirto waxyeello kasoo gaartay Shacabka howl-gallada lagu baacsanayay Kooxda Al-Shabaab, kaas oo kusoo dhammaaday si guul ah.
Waa hawlgalkii Sadexaad muddo Toban bari gudahood ah oo ay Ciidanada Qaranku ka fuliyeen goobaha ay joogaan Al-Shabaab, kaas oo muujinaya sida ay Ciidamadu u awoodaan in ay ku beegsadaan argagixisada goob kasta oo ay joogaan.n

