Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in cadaadis ay ku saareyso Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe),in uu iskaga haro doorashadda la filayo in ay ka dhacdo Magaaladda Kismaayo Bisha August.
Maxamed aadan Xuseen (Ganey), oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay sidii Axmed Madoobe looga reebi lahaa dooorashadda.
Waxa uu sheegay in Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay gaaray Kismaayo uu Axmed Madoobe ku qancin doono sidii uu kaga hari lahaa doorashadda Jubba-land,sidii Shariif Xasan Shiikh aadan oo kale.
Siyaasiyiin badan ayaa u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Jubba-land,waxaana qorshahooda u yahay sidii Axmed Madoobe meesha looga saari lahaa.

