Dagaal u dhaxeeyay Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab iyo Ciidamadda Macawiisley ayaa dib kaga qarxay maanta deegaanka Masaajidka Cali guud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, dagaalka ayaa dib u bilowday kadib markii labadda dhinac ay isku soo hub aruursadeen,kuwaasi oo xalay deegaanka ku dagaalamay.
Ciidamadda Macawiiley iyo Shabaab ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana deegaanka laga maqlay daryanka hubka culus.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Cali guud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

