Sida ay sheegayaan warar soo baxaya Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa shaqo joojin ku sameeyay taliyihii Saldhiga ciidamada booliska Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir Macalin Faarax.
Sababta shaqa joojinta loogu sameeyay Taliyaha ayaa lagu sheegay in Degmadiisa laga tuuray Hoobiyayaal dhawaan lagu weeraray Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.
Macalin Faarax ayaa beeniyay in Degmadiisa laga tuuray madaafiicda.
Taliska Booliska ayaa sheegay in taliyaha uu wax ka qaban waayay ragii hoobiyaaasha ka tuuray Degmadiisa,islamarkaana baaritaano lagu sameyn doono.
Taliyaha Saldhiga Degmada Deyniile ayaa waxaa haatan Si KMG ahaa lagu Magacaabay Xasan Cali.
Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmadda Deyniile oo ay la xiriirtay idaacadda Simba ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arintaan.
Shabaab ayaa dhawaan Hoobiyayaal Khasaare hantiyadeed geystay waxa ay ku qaadeen Xarunta Madaxooyadda Soomaaliya.

