Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay afduubteen Wiil iyo Aabihiisa.
Falkaan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qoryaale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Galgaduud, Shabaab ayaa aabaha weydiistay xoolo balse wuu ka biya diiday waxayna taasi kentay in la afduubto isaga iyo wiilkiisa.
Wiilka iyo aabaha la afduubtay ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed C/raxmaan Xersi iyo Aabbihiis C/raxmaan Xersi Warsame.
Dhanka kale Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa sheegay u sheegay in ay halkaasi u direen Ciidamo, si loogu soo furto Gacanta Al-shabaab.

