Ciidamadda Al-shabaab iyo Kuwa Mareykanka oo Ku Dagaalamay Daarusalaam

0

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Danab ee Dowladda Soomaaliya, kuwa Mareykanka iyo Xarakadda Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadda Huwanta ah ayaa weerar qorshaysnaa ku qaaday deegaanka oo ay saldhig ku leeyihiin Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab,waxaana halkaas ka dhacay dagaal xooganaa oo saacado socday.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in ciidamadda huwanta ay gudaha u galeen deegaanka,balse y weerar dabagal ahaa ay la kulmeen markii dambe.

Maamulka Al-shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in weerarka la fashiliyay islamarkaana saakay deegaanka lagu arkay dhiig farabadan oo ka daatay ciidamadii huwanta ahaa ee weerarka soo qaaday.

Dhanka kale Diyaaradaha Mareykanka ayaa deegaanka duqeyn ka fuliyay markuu dagaalka dhamaaday,Shabaab waxa ay sheegeen in 2 qof oo shacab ah ay dhaawacmeen balse lamasoo sheegin wax khasaara dhimasho ah oo ka dhashay duqeyntii xalay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Mareykanka oo loogu hadlaayo duqeynta iyo dagaalka ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here