Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xalay ka dhex dhacay guri ku yaala Wadada Warshadaha ee Magaaladda Muqdisho.

Qaraxaan oo miino ahaa ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee guriga oo ku yaala agagaarka Kaalinta Shidaalka Sopico ee laamiga Warshadaha.

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya,qaraxa ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee guriga,waxaana la sheegay in uusan geysanin khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Saraakiisha waxa ay shegeen in la soo xiray laba dumar iyo saddex rag ah oo mid ka mid uu yahay ninkii deganaa qolkii darbigiisa uu qaraxa ka dhacay.

Guriga uu qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay in ay mariyeen gaadiidka Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,waxaa sidoo kale ka dhawaa Kontoroolka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here