Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo Shil Ku Geeriyooday

0

Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa goordhweyd ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Magaaladda Boosaso iyo degmada waaciye.

Xildhibaanka shilka ku geeriyooday ayaa lagu magacaabi jirey Ala Ha U naxariistee Maxamed Faarax.

Marxuumka oo kamid ahaa xildhibaanada sanadkaan soo galay baarlamaanka Puntland,ayaa sido kale ku jiray Guddigii Doorashadda ee Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Puntland ayaa xaqiijiyay geeridda Xildhibaanka,waxayna sheegeen in howlo shaqo uu halkaas u aaday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here